Testo Somali Udiida Ceb

Testo Somali Udiida Ceb

Somali u diida ceeb
Naftiina u diida cay
Somali u diida ceeb
Naftiina u diida cay
Dhulkeena dabeecadiisa
Micnaha daadku dhex qaado
Dhulkeena dabeecadiisa
Micnaha daadku dhex qaado
Labada wabi ee dureera
Dalaga ciida u wanaagsan
Abuurka ku daadi weeyoo
Kheyraadka ka doono weeyee
Siduu geelu hawd u daaqoo
Lo'duna u dinaahiyeyso
Markad dan yarteena eegto
Siday diiftu ugu taalo
Labadu is dabooli waayo
Dunidu way nagula yaabtey
Dunidu way nagula yaabtey
Dadyow dadyow ku dadaala nabad nabad
Somali u diida ceeb
Naftiina u diida cay
Somali u diida ceeb
Naftiina u diida cay
Dhuleena dabeecadiisa
Dabayshi iyo cimiladiisa
Dhuleena dabeecadiisa
Dabayshi iyo cimiladiisa
Badweynta dhahane ku deyran
Kaluunka dabaalanaaya
Dubaaxdu siday u taalo
Badweynta dhahane ku deyran
Kaluunka dabalanaaya
Dubaaxdu siday u taalo
Siday macdantu u daniigto
Siduu arigu u dareero
Ugaadhaa is daawaneysa
Markad is dilkenae eegto
Dalkeena xasuuqidiisa
Labadu is daboli waayo
Dunidu way nagula yaabtay
Dunidu way nagula yaabtay
Dadyow dadyow
ku dadaala nabad nabad
Somali udiida ceeb
Naftiina u diida cay
Somali udiida ceeb
Naftiina u diida cay
Somali udiida ceeb
Naftiina u diida cay
Somali udiida ceeb
Naftiina u diida cay
Somali udiida ceeb
Naftiina u diida cay
Testi di Maryam Mursal